Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waqti dheeri ah siiyay Ra’iisul Wasaaraha cusub Xamza Cabdi Barre si uu u soo dhiso Golihiisa Wasiirada cusub.
Fadhigii Isniintii, 144 mudane ayaa u codeeyay codsigii Ra’iisal wasaaraha ee ahaa in la siiyo toban maalmood oo dheeraad ah si uu ugu dhawaaqo xukuumad halka hal xildhibaan uu diiday. Ma jirin cid ka aamustay.
30-ka maalmood ee hore ee Golaha lagu soo gudbiyay liiska Golaha Wasiirada ayaa ku eg maanta oo taariikhdu tahay 25-ka July, waxayna tani imaaneysaa xilli Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqasho rasmi ah ku joogo dalka Masar.
Tags
News
